Somaliya iyo Pakistaan oo Kala Saxiixday Heshiis Ku Bixi Doonta 10.5 Miyan

0
69

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan diiwaan gelinta iyo kaydinta xogta dadweynaha Soomaaliyeed, farsamada ku bixi doonta iyo tabobarada ayey ka caawin doontaa, waxaana ay Dowladda Pakistan ku bixin doontaa $10.5 Milyan si loo hirgeliyo mashruucaas.

Munaasabada oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta ugu sarreeya dalkaas oo uu ugu horreeyo R/Wasaaraha Pakistan Shahid Khaqan Abbasi, Wasiirka Lacagta Pakistan Miftah Ismail iyo Agaasimaha NADRA iyo masuuliyiin kale.

Dhanka Dowladda Soomaaliya waxaa metelayey Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha Abdullahi Farah Wehliye, Safiirka u qaabilsan Soomaaliya Pakistan Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi, Dr. Nur Diiriye Hersi iyo masuuliyiin kale

Hay’adda Qaran ee Diiwaan gelinta iyo Xogta Muwaadiniinta Pakistan oo loo soo gaabiyo (NADRA) ayaa kala shaqeyn doonta Dowladda Soomaaliya sidii loo diiwaangelin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo ka caawin doonta dhanka farsamada iyo tiknoolajiyadda loo isticmaalo diiwaangelinta iyo kaydinta xogta dadweynaha.