Deeq loogu talo galay in gurmad loogu fidiyo qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo daadadka ka dashay roobabka ayaa lagu wareejiyay gudiga gurmadka fatahaadaha iyo daadadka ka dashay roobabka ee Jubbaland.
Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Max’ed Sabriye iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya oo deeqdan ay usoo wakiisheen gudiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa ku wareejiyay Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaladn Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere.
Lacagaha oo ahaa $150,000 (Boqol iyo Konton kun oo Doollar) oo Kaash ah iyo $100 oo Jeeg ah ayuu Madaxweyne kuxigeenku kusii wareejiyay Wasiirka waxbarashada Jubbaland ahna gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha iyo fatahaadaha ka dhashay roobabka ee Jubbaland Mudane Max’ed Ibraahim Max’uud.
Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland ayaa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya deeqda ay soo gaarsiiyay dadka ay waxyeelada kazoo gaartay fatahaadda, isagoo xusay in deeqdan ay ka Jubbaland ahaan ku dari doonaan lacago kale, islamarkaana gaarsiin doonaan dadka ay waxyeelada u geeysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabka.