Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya mMaxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Salaadii Jimcaha kadib Masjidka Shuhadaa ee ku dhax-yaalla xarunta Villa Soomaaliya ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.
Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa in aan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.