Reysulwasaaraha oo Maanta Kulan La Khaatay Reysulwasaraha Dalka Itoobiya

0
56

Ra’iisal wasaaraha xukumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay dhiggiis dala Itoobiya Abiy Ahmed.

Labada mas’uul ayaa kulankan uga wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada.

Kulankan uu reysulwasaaraha la qaatay Abiy Ahmed ayaa waxaa ku wehliyey Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Fedetaalka, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda, safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo xubno ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha

Kulankaan ay Addis Ababa ku yeesheen labada Ra’iisul Wasaare ayaa noqonaya kii u horreeyey tan iyo markii uu Abiy Ahmed noqday Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya.