Ciidamo La Filaayo Iney Yihiin Alshabab oo Xaley Weerar Ku Qaaday Xero ay Ku Sugnayeen Ciidanka Puntland

0
48

Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa maamul gobolleedka Puntland iyo xooggag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac uu socday dhawr saacadood oo xiriir ah, lamana oga khasaare dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland ayaa sheegay in Afurkii salaada maqrib ka dib inay soo weerareen xooggag ka tirsan kooxaha ku dhuumalaysta buuraha Galgala islamarkaana ciidanku iska difaaceen.

Waxaa ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha dhinacooda soo gaarey, madaama xilligu habeen yahay, waxaana warar madax banaan sheegayaan dagaalka caawa dhacay in uu ahaa mid culus oo saacado xiriir ah socdey.