Dowladda Talyaaniga ayaa markii ugu horeysay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku wareejisay gadiid casri ah oo ka mid ah gadiid ugu qaalisan dunida kuwaa oo ay ku xiran yihiin qalabka looga hortago Qaraxyada.
Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ku wareejiyay furayaasha gaadiidkan noocoodu yahay BMW iyo agabyada loo isticmaalayo gaadiidka ka hortaga qaraxyada.
Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qalabkan lagu wareejiyay, kaasoo uu xusay in loo adeegsanayo howlaha sugida amniga, isla markaana ay rajeynayaan inay wax badan ka badali doonaan xaalada amniga ee Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ayaa heysan qalabkii loogu tala galay ka hortaga iyo baaritaanada qaraxyada, taasoo keenta in gaadiid waxyaabaha qarxa lagu soo xiro in magaalada uu ku qarxo.