Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Goor dhaweyd gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Ku meel gaarka ee maamulka Koonfur Galbeed.
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Reysulwasaraha ayaa halkaasi u tegey in uu ka qeyb galo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo.
Waxaa sidoo kale maantaMagaalada Baydhabo gaari doona dhamaan madaxda maamul goboleedyada.