Reysulwasaraha Xukumada Federaalka oo Xaley Kulan Casho ah u Sameeyey Dhalinyaradii Libiya Laga Soo Celiyey

0
55

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa xalay kulan Afur iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dal kaddib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo u mahed-celiyay cid walba oo ka shaqaysay in dib loo soo celiyo dhalinyaraddan ku dhibaateysneyd dalka dibadiisa, ayaa cadeeyay in uu aad uga xun yahay dhibka ku dhacay dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

Waxaa uu tilmaamay in mas’uuliyinta dalka looga baahan yahay in ay ka foogaadaan musuq maasuqa, in ay dib-u-dhisaan dalka iyo in la iska ilaaliyo waxyaabihii awoodeena daciifyay, si looga shaqeeyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhallinyaradda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda uga dhigi lahaayeen wadamadda ay u tahriib tageen, waxuuna u ballan-qaaday in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii horumarka.