Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay,waxaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka amniga Qaranka ee ay ka qeyb gelayaan dowladda Federaalka ah iyo maamul Goboleedyada.
Shirkaan ayaa waxaa si weyn waxaa diiradda lagu saari doona Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya, iyadoo lagu wado in lagu soo bandhigo qorshaha Qaranka ee ku wajahan dhanka Ammaanka.
Amaanka Magaalada Baydhaba ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu daadiyay Ciidamada dowladda Federaalka ah iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed.
Shirka oo maanta lagu wado in uu ka furmo Baydhaba waxaa ka qeybgelaya Madaxweynaha dowladda Federaalka ah iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.