Dooni ku degtey xeebaha bariga Tunisia ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen 35 ruux oo tahriibayaal ah, Dowlada tunisia oo xaqiijisay warkani ayaa sheegtey in 35 ruux ay ku dhinteen lixdan iyo todobo qof oo kale ay soo badbaadiyeen ilaalada xeebaha.
Wasiirka Arimaha gudaha Tunisia ayaa sheegay in doontan dagtay ay saarnaayeen 180 qof oo u badan dad Tunisiyaan ah.
Doonta ayaa la sheegay inay shan mile u jirtay jasiirada Kerkennah, 16 mile-na waxay xaga badda u jirtay magaaladda Sfax.
Dalka Tunisia ayaa hadda noqday marin muhiim u ah tahriibayaasha doonaya inay Yurub galaan sanadkii u dambeeyey.
Arrinkani ayaa imanaya markii wax laga qabtay dadka laga tahriibiyo dalka Liibiya oo dadka lagu jirdilo laguna laayo.