Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Baydhabo ka furmaya shirka Golaha amniga Qaranka, kaasi oo maalmihii dambe ay socotay qaban qaabadiisa.
Kulankani ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo kan Koonfur Galbeed.
Waxaa kaloo kulankan ka qeyb galaya xubnaha Beesha Caalamka, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, si ay aragtiyadooda ugu biiriyaan shirka.
Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa shi gudoomin doona Madaxweynaha dowlada federaalka Somaliya waxaana horyaalla arrimo muhiim ah oo la xiriira ammaanka dalka, khayraad wadaagga.
Dowladda federaalka fileysa in kulankani uu kasoo boxo natiijooyin wanaagsan oo sii dardar gelinaya horumarka dalka.