Maddaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya iyo Reysulwasaare Kheyre oo Kulan Gaar ah la Yeeshey Madaxda Maamul Goboleedyada

0
59

Magaalada Baydhabo xarunta KMG u ah maamul Koonfur Galbeed ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa kulamo gooni gooni ah ah ku yeeshay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul wasaaraha dalka Xassan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda maamul dowlad goboleedyada dalka jira, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xiriirkooda.

Kulamada ayaa sidoo kale la sheegay in looga wada hadlay xiriirka labada dhinac oo maalmihii ugu danbeeyay ahaa mid mad madow uu ku jiro, waxaana madaxda dowladda federaalka ay maamul goboleedyada ka dalbadeen in xiriirka dhankooda ay ka xoojiyaan.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wada in magaalada Baydhabo uu ka furmoa shirka Golaha amniga Qaranka, kaasi oo maalmihii dambe ay socotay qaban qaabadiisa, shirkan waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha ammaanka.