Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hal milyan oo Doollar ugu deeqday hawlaha gurmadka duufaatanadii ka dhacay degaanada Maamulka Somaliland.
Gudiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay Raiisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Dawladdu ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka dabaylaha watay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.