Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday deegaanka Dooynuunaay, oo qiyaastii 26-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Xoogagga Al-shabaab ayaa dhanka Koonfureed ka soo weeraray deegaanka Dooynuunay, iyaga iska cabin kala kulmay ciidamada dowladda Soomaaliya, oo fariisimo ku leh labada cirif ee Deynuunay laga galo.
Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadii kala duwan, balse saraakiisha Koonfur Galbeed waxaa ay tilmaameen inay dib ka faah faahin doonaan.
Al-shabaab ayaa war ay ka soo saareen weerarka waxaa ay ku sheegeen in ay dagaal kula wareegeen degaanka Deynuunay, waxayna tilmaameen in ay gacanta ku dhigeen Sahnado millitari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugnaa.