Ciidamada xasilinta magalada muqdisho ayaa xalay waxa ay hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa inta ay hawlgalka ku jireen waxa ay baaritaano ku sameynayeen guryaha qaar ee shakiga uu ku jiro, waxaanan jirin cid lagu soo qabtay inta uu hawlgalka socday.
Inta uu hawlgalka socday ayaa waxaa ciidankaasi kormeer ugu tagay Guddoomiyaha degmada Heliwaa C/xakiin Cumar Cabdulle iyo Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax).
Guddoomiye Tuulax ayaa inta uu kormeerka ku jiray wuxuu booqday xaafadaha Barwaaqo, Waxar Cadde iyo Waaxda Bandar wanaag, waxaana masuuliyiinta in ay kormeerka ku jireen la kulmeen dhalinyaro caweyneysay.
Guddoomiyaha degmada Heliwaa C/xakiin Cumar Cabdulle ayaa sheegay ilaa shacabka degmada Heliwaa in ay ka helaan nabadgelyo ku filan in ay har iyo habeen u shaqeyn doonaan.