Reysulwasaraha Xukumada Federaalka Somaliya oo Xaley Booqasho Ku Tegay Dalka Jabuuti

0
49

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalintii shalay gaaray dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu maanta halkaa kulamo kula yeesho madaxda ugu sareysa dalkaasi Jabuuti.

Reysulwasaaraha ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.

Maanta ayaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato madaxda ugu sareysa dalka Jabuuti gaar ahaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadashaqeynayd ee labada dal.