Hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed Shariiif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa uu talada maamulka konfur galbeed hayaa mudo dhan 3 sano iyo 7 bilood waxaana la filayaa in 17 November ay dhacdo doorashada masuul cusub oo ay yeeshaan maamulka koonfur galbeed.
Shariif Xasan ayaa intii uu talada maamulkaasi hayey waxaa jirey xildhibaano iyo siyaasiin kasoo jeeda koonfur galbeed oo had iyo jeerba ku mucaaradi jirey xilka uu hayey ayagoo dhowr jeerba isku deyey in ay mooshin ka keenaa si xilka looga qaado inta uusan waqtigiisa dhamaan.
Xiliga la cayimey iney dhaco doorashadan ayaa waxaa ka harey mudo 5 bilood ah waxaana wax lala yaabo ah in ilaa iyo haatan aysan jirin Musharax isku soo sharaxay in uu Shariif Xasan kula tartamo kursigaas, Walow ey jireen qaar badan oo daaha hoostiisa in badan kasoo dhex qeylinayey isla markaana hor boodayey mooshinadii ka dhanka ahaa Shariif Xasan.
Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in Shariif Xasan uu ka bilaabay deegaanada koonfur galbeed qorshihii uu ku heli lahaa lacagaha kaga bixi doona doorashada la filaayo in Nov 17 2018 ka dhacdo magalada beydhabo.
Howlaha ugu waaweyn ee uu Shariiif Xasan ku doonayo lacaha uu ku geli lahaa doorashooyin ayaa waxaa ka mid ah
1. Jarida Geedaha iyo Dhoofinta Dhuxusha, qorshahaan waxaa uu ka socdaa Magaalada Baraawe iyo guud ahaan Gobalka Shabeelaha Hoose.
2. Dhigida Isbaarooyin cusub Gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
3. Beerida Maandooriyaha Xashiishka loo yaqaan howshaas oo laga bilaabay Beeraha loo yaqaan LibSoma qeybaahooda Degmooyinka Afgooye iyo Kuntuwaarey, Beeraha GSoma oo kutaal Bariire, Beertii Booliiska ee Degmada Afgooye, Beertii Mashruuc Liinta ee Liinta lagu beeri jirey.
4. Iibinta Dhulalka Danta Guud sida Dhulalkii Beeraha, Waxbarashada, Isbitaalada, ADC-yada, Dhulalka Xeebaha ku teedsan sida Jaziira, Marko iyo Baraawe.
Waxaa uu sidoo kale Shariif iibin rabaa Xarumihii Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sida Xerada Carbiska oo kutaal Duleedka Degmada Afgooye.
5. Isbaaro cusub oo uu u dhigtey Hay’adaha Samafalka isagoo hay’ad weliba ku qasbey iney isku diiwaan geliso $5,000 Shan kun oo Doolar.
Isku soo wada duub dhamaan dhibaatooyinkan baaxada weyn ee uu Shariif Xasan ku hayo deegaanada koonfur galbeed ayaa hadana nasiib daro waxaan jirin dad ka dhiidhiya oo hor istaaga maamulkaas, Inta badan odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda koonfur galbeed wexey si dhow ula shaqeeyaan Shariif Xasan si ay danahooda gaarka uga fushadaan..
Dorashada was Barawe 4 madaxweyne ayaa ku tartamaya cabsi weyn ayaa jirta madama nin walba ciidan diyarsaday xataa doman waa la diyarsaday oo laysku rusheyo
Comments are closed.