Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyay Taliye-yaashii Militariga iyo Sirdoonka dalkaasi, isagoo kuwo cusubna magacaabay.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Taliyaha Ciidanka Militariga u magacaabay Seare Mekonen, ka dib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii hore Militariga, Samora Younous.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa shaqada ka eryay Taliyihii Sirdoonka, Getachew Assefa, isagoona Adem Mohammed u xushay inuu noqdo Taliyaha cusub ee Sirdoonka.
Taliye-yaasha cusub ayaa u shaqayn doono si ka duwan, sidii ay u shaqayn jireen labada nin ee shaqada laga eryay, iyadoo aanay dabagal ku samayn doonin shacabka iyo weliba dadka feker ahaan dhaliilsan siyaasadda dowladda.