Dhegeyso: Maamulka Puntland oo Ugu Baaqay Ardeyda Wax Ka Barata Somaliland Iney Isaga Soo Baxaan

0
52

Guddiga Difaaca maamulka Puntland ayaa mar kale ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay dabada ka riixayaan dagaallada ka socda degaano ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in Somaliland ay amar ku bixisay in la laayo dhammaan dhalinyaradda kasoo jeedda Soomaaliya ee wax ka barata degaanada Somaliland.

Waxayna ugu baqeen in ay ka soo tagaan oo ay kusoo laabtaan degaanada puntland maadaama Soomaliland ay ku dhawaaqday in ay laynayaan Ardayda Jaamacadaha waxka barta, ayadoo laga Codsaday jaamacaha ardadaas waxka bartaaan in ay Simistarada u dhiman ay Puntland ugu soo wareejiyaan.

Maamulka Puntland