Daawo Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Soo Bandhigey Lacag Cusub

0
136

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shir jaraa’id ee uu shaley ku qabtey magalada muqdisho kusoo bandhigay Nashqada Lacagta cusub ee la qorsheynayo in la soo daabaco.

Lacagtan cusub ayaa la qorsheynayaa in lagu bedelo lacagta Kunka shilling ee 20-kii sano ee la soo dhaafay la isticmaalay, waana nooc cusub.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagtan aan la daabacan karin, isla markaana ay tahay mid dahabi ah ayna leedahay muuqaalo kala duwan oo aan suuragal ka dhigeynin in la soo daabacdo.

Lacagtan ayaa isugu jirta 10,000 iyo 5,000 waxaa la sheegayaa inay jirto tirooyin kale oo ay yeelan doonto lacagtan cusub.