Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa habeenkii xalay kormeeray qeybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana kormeerka ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in mid amniga la xiriira.
Ra’iisal wasaaraha ayaa tagay qeybo ka mid ah Isgoysyada Muqdisho oo xiligaa ay howlgalo kala duwan ka wadeen ciidamada u xil saran amaanka caasimada, sidoo kale ra’iisal wasaaruhu waxaa uu tagay goob ganacsi.
Kormeerka ra’iisal wasaaraha ayaa kusoo beegmaya wax yar kaddib markii uu madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ku dhawaaqay in si deg deg ah loo furo jidadka xiran ee Muqdisho.
Ma ah markii ugu horeysey uu uu reysulwasaaraha sameeyo kormeero nocan oo kale ah balse amini darada ka jirta magalada muqdisho iyo dilalka qorsheysan weli wax iska bedeley ma jiraan.