Madaxweyaha Dalka |Mareykanka iyo Midka Kuuriyada Waqooyi oo Ku Kulmey Dalka Singapore

0
43

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku kulmay dalka Singapore, Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee labada hogaamiye yeesheen.

Labada hogaamiye ayaa wada hadalkooda waxaa ay diirada ku saari doonaan inay xal ka gaaraan coladda muddo dheer jirtay ee ee u dhexeysa labada dal.

Madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump ayaa yiri ” Dareen weyn ayaan dareemayaa, waxaan yeellanayaa dood weyn waxayna noqon doontaa mid guul weyn ku dhammata. Sharaf ayay ii tahay inaan halkan kula joogo, waxaanan yeellan doonaan xiriir fiican, taasna shaki kama qabo”

Trump iyo Kim ayaa yeshey kulan fool-ka fool ah oo labadooda oo kali ah, iyagoo ay ku wehelinyeen kulankaas laba turjubaan, waxaana markii dambe kulankooda ku soo biiray saraakiil labada dhinac ka tirsan.