Alshabab oo Xaley Weerar Ku Qaaday Fariismo Ay Ku Sugnaayeen Ciidanka Dowlada

0
50

Ciidamo ka tirsan xarakada alshabab ayaa habeenkii xaley waxaa ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku geeryoodeen Laba ka mid ah ciidamadii ku sugnaa fariisinka, halka ay ku dhaawacmeen laba kale.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in aysan jirin wax intaa dhaafsiisan oo weerarka ka soo gaaray ciidamadooda, waxaana ay tilmaameen in lagu daba jiro raggii weerarka ka geystay degmada Qansax-dheere.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira weerarka ay xalay ku qaadeen ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Qansax-dheere.