Taliska Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in dhawaan uu bilaabanayo dagaal xoogaga ururka Al-shabaab looga saarayo qeybaha ay ka joogaan Jubbooyinka.
General C/Wali Jaamac Xuseen Gorod, Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka ee jooga Jubbooyinka la qalabeyn doono, si ay u bilaabaan dagaalka Shabaab lagula dagaalamayo.
Wuxuu sheegay hawlgalkan inuusan aheyn mid kala soocaya Ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland, isaga oo oo tilmaamay in isku si loo qalabeyn doono.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxayna kormeereen deegaano Shabaab laga saaray.