Maxkamada Ciidanka Qalabka-sida oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday Ciidamo Ka Tirsanaa Xerada Genelar Gordan

0
52

Xafiiska xeer illaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeeyay 15-shaqsi oo ka mid ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka mid ah Ciidamadii horey u taba-bareen Imaaraadka in ay abaabuleen dhac loo gaysto keydka dugsiga oo ay ku jireen agabka ciidamada.

Eedeysanayaasha ayaa ahaa saraakiil xigeenada dugsiga iyo bare ka mid ahaa saraakiisha ciidamada ay dowladda Imaaraadka ugu tala gashay in uu barro xirfadda Ciidamada ay ku taba-bari jireen dugsiga Jen, Gordan.

Maxkamadda oo tix gelineysa cadeymihii horey looga qoray Eedeysanayaasha, Markhaatiyaasha iyo Gal-dacwadeedka la horkeenay Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaratay xukunnada kala ah ;-

1- Seddax Alifle Xoogga dalka Yaasiin Ibraahim Aadan hal-sano oo xabsi Ciidan ah

2- Maxammed Cabdi Sabriye oo shacab ah hal-sano oo xabsi Ciidan ah.

3- Halka 5-ta kale oo iyagana isku daraja ah lagu wada xukumay 6-bil oo Xabsi Ciidan ah.

Waxaa kaloo ay maxkamada ku xukuntey qaar ka tirsanaa macalimiintii xerada oo meesha ka maqnaa min 5 sano oo xarig ah wexeyna kala yihiin.

1- Seddax Alifle Xoogga dalka
2- Ismaaciil Abuukar Muudey
3- Cali Maxammed Xasan
4- Qaaasim Ibraahim Aadan
5- Xuseen Maxammed Cusmaan
6- Maxamuud Muuse Yuusuf.