Mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya soo xushay oo lagu magacaabi jirey Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay) ayaa xalay fiidkii lagu dilay degmada Dharkeyneley ee gobolka Banaadir.
Ninkan la diley ayaa la sheegey kolkii la dilayey in uu kasoo baxay salaada taraawiix waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo qeybta sare ee jirkiisa ka toogtay, kadibna goobta ka baxsaday.
Ninka la dilay ayaa kamid ahaa ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo gashay Deegaanada Koofur Galbeed, si gaar ah waxa uu usoo doortay Gudoomiyaha Guddiga xeer hoosaadka Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye.
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waqti dambe gaaray halkaasi, waxayna qaadeen meydka marxuumka, oo ay geeyeen Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID.