Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fitriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey in ay ku gaaraan caafimaad iyo nabad buuxda.
Madaxweynaha JFS, ayaa ciidamada qalabka sida, gaar ahaan ciidamada xasilinta uga mahad celiyey sida ay ugu dhabar adeegeen in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan kooxda Alshabaab.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey la shaqeynta ciidamada xasilinta, waxaana uu xusay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto siddii magaaladda Muqdisho loogu soo dabaali lahaa ammaan iyo xasilooni.
Ugu Dambeyn Madaxweyne Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed ku booriyey in laga wada shaqeeyo Nabadda , ayna isku xariistaan, maalinta Ciidda ahna ay kuwada Ciiddaan Jawi wanaagsan oo farxad leh.