Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya kaddib labada mas’uul waxaa ay shir jaraa’id wada jir ugu qabteen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta booqasho uu ku yimaado Magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in booqashadda Abiy Ahmed ay tahay mid taariikhi ah oo xoojin doonta xirirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in labadal uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.
Labada hogaamiye ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis ku aadan dhanka waxbarashadda, Caafimaadka, Ammaanka iyo Kabaayaasha dhaqaallaha.