Reysulwasare Kheyre oo Shacabka Magalada Muqdisho Kula Dardaarmey Iney Kala Shaqeeyaan Sugida Amniga

0
82

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay sii soconayaan qorshayaasha amniga caasimada lagu sugayo ee la dejiyay bisha Ramadaan.

Waxa uu shacabka magalada muqdisho ka codsaday iney dulqaad muujiyaan dhibna aysan u arkin wadooyinka xeran wuxuu kaloo intaa ku daray in Xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay iney amniga shacabka sugto.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ciidamada amaanka iyo saraakiishooda ay kula dardaarmeyn sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen wada shaqeyn dhex marta shacabka iyo ciidamada.

Waxa uu tilmaamay in shacabka loogu baahan yahay iney u dulqaataan xerista wadooyinka muqdisho inta dowladda soomaaliya ay ka shaqeyneyso sugida amniga caasimada.

Xasan Cali Khayre Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan xalay ka dhacay Xarunta Jeneraal Kaahiye oo uu la yeeshay saraakiisha hay addaha amaanka ee dowladda.