Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.
Xaaf ayaa soo gabagabeeyay Wadatashiyo uu maalmihii lasoo dhaafay la sameynaayay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ee kasoo jeedda degaanada Galmudug.
Wasiiro horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ay dib usoo laaban doona, sida Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.
Warar laga helayo ila lagu kalsoon yahay ayaa dhanka kale sheegaya in dhanka Ahlusunna ka imaan doonaan wasiiro mug leh sida Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda.
Isjiidiidka u dhexeeyey maamulka galmudug ayaa la filayaa in uu soo af jarmay taasina ay sahashey in Xaaf uu sameeyo wasiiro cusub oo isku dhaf ah si howsha loo dardar geliyo colaadana ay u yaraato.