Wafdi uu Hogaaminaayo Reysulwasaare Kheyre oo Saaka u Kicitamey Dalka Norwey

0
54

Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka aroortii ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeda Norway.

Reysulwasaare Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan Shir looga hadlaayo Arrimaha Maaliyadda, kasoo ka furmaya dalka Norway.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu horumarinaayo Kaabayeyaasha dhaqaallaha, waxaana la filayaa in dhawaan laga Cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Kulamadan looga hadlayo dhaqaalaha ee uu ka qeyb galayo reysulwasaaraha ayaa dhowr jeer oo hore balanqaadyo loogu cafinayo deymaha loogu sameeyey balse weli wax ka hir galey ma jirto.