Dowladda Soomaliya ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixisay heshiiskii dhaxmaray dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya kaddib socdaalkii uu maalin ka hor ku yimid magaalada Muqdisho ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.
Wuxuu sheegay Wasiir Daahir Geell in heshiiskan uu mudo soo socday oo dowladihii midan ka horeeyay ay soo wadeen, wuxuuna tilmaamay in labada dalba ay heysteen fursado badan.
Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya dhisaneyso Ciidamo Badda, isla markaana heshiiskan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah ayuu kaga jawaabay in dadka Soomaaliyeed arrimahaas shaki ka geli kara, balse gobonimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.
Booqashadii ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee uu ku yimid Soomaaliya ayaa aheyd mid aan horayba loo sii ogeyn, iyadoo la og yahay labada dal tan iyo wixii ka danbeeyay heshiis Berbera uu ka dhax aloosnaa mugdi siyaasadeed.