Milkiilaha Maamulka koonfur Galbeed oo Qorshe Halis ah u Degey Xildhibanada Mamulkaas.

0
75

Milkiilaha maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan sheekh Aadan ayaa labadii bileed ee lasoo dhaafay bilaabay in uu si toos ah mushaaraadkooda u siiyo xildhibaanada maamulka koonfur galbeed oo aan wax mushaar ah qaadan sanadihii lasoo dhaafay.

Xildhibaanada maamulka koonfur galbeed ayaa dhowr jeer oo hore ka cawday mushaar la,aan iyo weliba daryeel la,aan taasoo taasoo kaliftey in qaar ka mid xildhibaanadaas ay karar qaxooti ka sameystaan xerooyinka ku yaala magalada baydhaba si ay uga helaan nolol maalmedkooda halka qaar kalana ay u shaxaad tageen magalada muqdisho si ay u helaal nolol maalmeedkooda.

Maamulkan ayaa waxaa uu dhisan yahay 3 sano iyo dhowr bilood deeganada uu ka arimiyana inta badan waxaa gacanta ku haya xarakada alshabab, Dariiqyada la isku xira deegaanada uu ka arimiyo maamulkaas ayaa waxaan ka jirin wax amni ah goosho deeganada ayaan ka jirin wax amni ahtaasina waxaa ay sababtay in maanta baydhabo iyo xamar dadka ay u racaan diyaarad shacabka aan awoodin diyaaradana ay la kulmaan isbaarooyin xad dhaaf ah.

Dhaqaalaha kasoo xarooda 3da gobol ee uu ka arimiyo maamulkan ayaa si toos ah waxaa loo qeybiyaa 3 dhig, Dhig waxaa qaata kooxaha isbaarooleyda ee dariiqa taagan, dhigna waxaa laga siiyaa milkiilaha maamulka, Dhiga hareyna waxaa leexsada kooxaha ku dhow dhow wasiirka maaliyada maamulkaasi oo xafiiskiisa noqdey magalada muqdisho.

Arintan mishaar bixintan ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa xil dhawaan la filayo in ay ka dhacdo magalada baydhabo doorashada madaxweynaha maamulka koonfur galbeed taasi oo uu doonayo Shariif Xasan in uu ku beer laxawsado xildhiabanada si ay mar kale u doortaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee Shariif Xasan ayaa waxaa uu nasiib u yeeshay in uu masuul u noqdo shacab hurda iyo siyaasiyiin calooshood u shaqeystayaal ah oo danta guud mar walba ka hor mariya danta gaarka ah, Taasina waxaa ay u sahashey in siduu rabo uu ka yeelo shacabka koonfur galbeed ayadoo aysan jirin ruux uu kaga heybeysanayo qaab dhaqanka ku saleysan keli taliyenimo iyo maamul xumida uu ku hayo shacabka koonfur galbeed.