Somaliya oo Maanta Gudbisay Jawaab Celinta Dacwada Bada ee Maxkamada Caalamiga ee Hegue

0
56

Dowlada Soomaaliya ayaa maanta gudbisey dukumenti ay uga jawaabeysey eeddo cusub oo ay ku soo dartey jawaabteedii ugu danbeysey ee dacwada bada ee Kenya iyo Soomalia oo hortaala maxkamada caalamiga ah The Hague

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Faqi oo faah faahin ka bixiyay jawaabta ay gudbisay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in mudaddii loo qabtay dowladda Soomaaliya gudisay jawaabtii loo baahnaa.

Faqi ayaa sheegay in dowladda Kenya dhinaceed ilaa December sanadkan laga sugayo in ay soo gudbiso jawaabta looga baahan yahay.

Muran xudduudeedkan badda ee leysku hayo ayaa la sheegay in uu ku jiro Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay,