Madaxeynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi siinayay TV-ga dowladda ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jira, xiriirka laamaha dowladda iyo arrimaha ay muhiimka tahay in loo iftiimiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan heshiiskii dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu waxqabadkiisa ku saleeyey dhaqan siyaasadeed oo mideynaya shacabka Soomaaliyeed kaas oo ka madax banaan dano shakhsiyadeed, eex iyo qabyaaladda oo uu sheegay in ay yihiin cudurrada wiiqay dowladnimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu adkeeyey Madaxbanaanida iyo ilaalinta qaranimada Soomaaliya, isagoona sheegay in xiriir iyo heshiis kasta ay la galeen caalamka uu ku salaysnaa soo celinta magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sare u qaadista maqaamka ay ku leedahay dunida.
Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa yiri”Inta badan Madaxda Adduunka markii aan hor fariisanno waxaan kala hadli jirnay Amni oo kaliya, balse booqashadaan uu Soomaaliya noogu yimid Dr.Abiya waxa uu ahaa mid ku saabsan kor u qaadista xiriirka labada dal, iyadoona lagu saleynayo iskaashi, wax wada qabsi iyo isixtiraam. Dalkastana uu ixtiraamayo madaxbannaanida, jiritaanka iyo qarannimada dalka kale.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiskan mira dhalkiisu uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed maadaama dalkaasi uu suuq weyn u noqon karo ganacsatada Soomaaliyeed, isagoona meesha ka saaray cabsida laga muujiyey heshiiskan, maadaama arrimahan ay asaas u ahaayeen safarrada Gobolka uu ku maray Dr. Abiye oo heshiisyo ku saabsan dekadaha iyo ganacsiga uu la soo galay dalalka Suudaan iyo Jabuuti.