Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo faah faahin ka bixiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle ayaa sheegay in ay xoojinayaan dagaalka ka lagula jiro Al-shabaab.
Waare ayaa sidoo kale sheegay dagaalyahanada aslhabab ee soo weeraray deegaanada hirshabeele iney kasoo kicitimeed deegaannada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay sii laba jibaaraan taageerada ay siinayaan ciidamada Hirshabeelle ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Waare waxaa xusay in Al-Shabaab keliya looga guuleysan karo in si wadajir ah dagaal loogu qaado degaanada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.