Alshabab iyo Ciidamada Dowlada oo Xaley Ku Dagaalamay Degmada Afgooye

0
71

Xoogag hubaysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay weerar ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan fariisin ciidamo ka tirsan dowladda ay ku lahaayeen agagaarka Buundada Yar.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay maqleen weerar ku bilowday bambada gacanta laga tuuro, oo socday wax ku dhaw 30 daqiiqo, intaasi kadibna ay dareemeen cabsi.

Saraakiisha ammaaanka ayaa waxa ay sheegeen ciidamada inay iska difaaceen raga weerarka soo qaaday, maadaama markii horeba ay ku jireen feejignaan dheeri ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay halkaasi naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda ay wadaan hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana xiran wadada gasha goobtii uu weerarka ka dhacay.