Wasiirka Wasarada Warfaafinta oo Ka Hadley Kulan Dhex Marey Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda ONLF

0
80

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa faah faahin ka bixiyey kulankii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda ONLF ku dhexmaray Magaalada Asmara.

Wasiirka ayaa sheegay “in kulanka qeybtiisa hore uu ahaa, qeybta kale madaxweynaha ayay isku hareen, waxaana looga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Afrika”

Daahir Maxamuud Geelle oo Warkaan u sheegay BBC-da ayaa sidoo kale tilmaamay in kulanka uu ahaa Mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray Isbadallada ka socda Geeska Afrika.

Guddoomiyaha jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cusmaan ayaa idaacada VOA u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka siiyay falkii lagu dhiibay Cabdikariim Qalbi Dhagax.