Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in dib loo dhigo dhismista iyo yareynta ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ee dowladda Soomaaliya ka caawinaya nabad soo celinta iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Golaha ayaa isku raacay in arintan ku saabsan dhimista ciidamada AMISOM dib loo dhigo ilaa 31-ka bisha May ee 2019-ka, kaddib qoraal dheer ay soo saaareen.
Waxaa uu qorshuhu yahay in wixii ka danbeeya 31-da May 2019-ka dib loo bilaabi doono dhimista ciidamada AMISOM oo hadda gaaraya 20,626, waxaana la hakiyay 2,000 oo Askari oo Soomaaliya ka bixi lahaa bilaha October iyo December ee sandkan 2018-ka.
Dowladda federaalka ayaa horay ugu dhawaaqday in ciidamada AMISOM ay Soomaaliya ka baxayaan gaba gabada sanadka 2020-ka, kaddibna ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegaan ammaanka dalka.