Dhegeyso: Shariif Xasan oo Sheegey In Koonfur Galbeed Aysan Laheyn Dekado

0
90

Hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed somaliya Shariif Xasan oo maalintii shaley la hadley warbaahinta magalada baydhaba ayaa sheegey in sababta ugu weyn ee uu uu maamulkiisa u sameyn waayey hey’ada garsoorka ay tahay dhaqaale la,aan isagoo xusay in loo baahan yahay dhaqaale lagu sameeyo.

Shariif xasan isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu xusay in koonfur galbeed aysan laheyn deked iyo ilo dhaqaale taasina ay adag tahay in dhaqaale ku filan loo helo hey’ada garsoorka,

Balse waxaa suaal ah yaa la tagay oo lagu wareejiyey labadii dekadood ee ku yaalay gobolka shabelaha hoose sida dekada Marka iyo dekada Baraawe mise dekadahaasi uma xisaabsana shariifka maadaama uu heshiis hoosaad kala galay dalka imaaraadka si ay ula wareegaan.

Shariif Xasan

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Shariif Xasan