Madaxaweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Xafiiskiisa Kula Kulmay Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska

0
82

Madaxweynaha Dowlada Federeaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wada hadleen ammaanka gobolka, midka Soomaaliya, Kordhinta taageerada UK ee Soomaaliya iyo Siyaadada.

Intaasi kadib ayaa Xoghayaha Difaaca dalka UK wuxuu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod).

Dhinacyadan ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada, Xoghayaha Difaaca UK ayaa wuxuu balan qaaday inay kordhinayaan taageerada dhan kasta ee Soomaaliya.