Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xukun Ku Riday oo Laba Eedeysane oo Ka Tirsanaa Kooxda Daacish

0
87

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.

Dood dheer kaddib,Maxkamada ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan.

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka, magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria,

Eedeysanaha labaadna waxaa uu ahaa Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Afrika iyo ka mid ahaanshiyaha Meeshiyada Al-Shabaab