Dowladda Jabuuti ayaa u yeeratay safiirkii ka jooga magaaalda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan ayada oo aad uga carreysan in dowladda Soomaaliya ay dalbatay in cunaqabateynta hubka laga qaado dalka Eritrea.
Qoraal ka soo baxay maalintii shalay safiirka Djibouti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa lagu yiri “Qaran ahaan, Soomaaliya waxaa ay xiriir la yeelan kartaa dalalka kale ee gobolka, laakin wax la aqbali karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo heysata dhulkeenna, isla markaana inkirtay inuu dhul Djibouti yahay.
Safiirka ayaa qoraalkaas soo saaray isaga oo ku sugan magaalada Jabuuti, waxaana xog cusub oo soo baxday ay sheegeysaa in safiirka loo yeeray, ee aanu halkaas iska tagin.
Xiriirka labada dal ayaa lagu warramayaa in iminka uu yahay mid aad u xun, oo aanu jirin wax xiriir ah oo gebi ahaan dhex-maraya, lamana yaqaan sida lagu xalin doono iyo cidda kala dhex-gali doonta.