Warar aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya in meel aan sidaa uga fogeyn Seybiyaanno ay ciidamada dowada ku toogteen rag la socdey gaari yar oo ahaa kuwa raaxada.
Goob joogayaal halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay in gaari ay wateen ciidamada dowladda oo noociisu ahaa Cabdi Bille muddo uu eryanayay gaarigan ay saarnaayeen saddex nin oo hubeysan, Halkaasna ay is rasaaseyn ku dhex martay labada dhinac, ugu danbeyntiina ciidamadu waxaa ay toogasho ku dileen Labo ka mid ah raggii gaariga la socday halka mid kalana uu baxsaday.
Dhinaca ciidamada waxaa la sheegay in is rasaaseynta uu uga dhaawacmay halka askari oo ka mid ah ciidamadii la socda gaariga Cabdi Billaha.
Goobta ay wax ka dhaceen ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamada dowladda, lamana garanayo ilaa iyo hadda waxa ay ahaayeen raggan toogashada lagu dilay.