Reysulwasaraha oo Maacaabay Wasiiro Buuxiya Boosaskii Banaanaa

0
80

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa goor dhaweyd magacaabay tiro wasiiro ah isaga oo buuxiyay boosaskii horay uga bannaanaa xukuumadda.

1- Cabdullaahi Goodax Barre oo loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay isaga oo bedelay Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Daaahir Cismaan oo todobaad ka hor xilka laga qaaday.

2- Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, oo loo magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha halka Wasiirkii xilkaasi hayay Sheekh Nuur Maxamed Xasan asna loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

3- C/llaahi Bidhaan Warsame oo loo magacaabay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka dalka, iyadoo xilkaas laga qaaday C/raxmaan Cabdi Xaashi

4- Cabduqaadir Sheekh Baqdaadi, oo isna loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada waxaana xilkaa laga qaaday oo horay u hayay Khilaaf Cabduqaadir Macalin Nuur.