Reysulwasaraha Xukumada Federaalka Somaliya oo Gaaray Magalada Khartuun

0
66

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan si ay uga qayb galaan shir ay yeelanayaan madaxda urur gobaleedka IGAD.

Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa garoonka diyaaradaha Khartuum kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Suudaan oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada Suudaan Bakri Xasan Saalax.

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaanaya saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar oo hogaamiya kooxda mucaaradka ah ee SPLM-IO oo isku hayay siyaasadda dalkaas ayaa ugu danbeyn oggolaaday heshiis ay hormuud ka tahay IGAD.