Warar aynu dhawaan ka helney magalada baydhaba ee gobolka baay ayaa sheegaya in duleedka magalada baydhaba uu ka socdo dagaal aad u xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegey in dagaalka uu u dhaxeeyo Ciidanka Itoobiya iyo Ciidanka Soomaalida oo isku dhinac ah iyo Kuwa Ururka Al Shabaab.
Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu ka socdo Inta udhaxeyso Baydhabo iyo waxaana la maqlayaan Hugunka Hubka kala duwan.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu geystay dagaalkan, Balse waxaa la sheegayaa in gurmad ka baxay Baydhabo ay kusii wajahan yihiin halka dagaalku ka socdo.