Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xiisada ka taagan degaanada dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya, Dagaaladaasi oo geystey khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac sababay.
Muuse ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay iney ixtiraamaan oo aysan dhibaato u geysan dadka Itoobiya ka soo jeeda ee ku sugan degaanada Maamulka Somaliland.
Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka ka soo jeeda degaanada ay rabshaduhu ka dhacayaan islamarkaana aan dhibaato loogu geysan dhibaato ay sameeyeen dadka kale oo ay isku degaan ka soo jeedaan.
Waxa uu xusay in maamulka Somaliland uu xoojinayo xuduudaha iyo Kontoroolada laga soo galo Somaliland si aysan u dhicin dhibaato.