Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya oo Sheegey Ineyy Ka Shaqeyn Doono Nabada

0
129

Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in wali siyaasadii iyo nidaamkii dowlad deegaanku ku dhisnaa wax ba iska badalin, hasse ahaatee uu meesha ka baxay oo kaliya Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in wali lagu dhaqmayo siyaasadii xisbiga tallada haya ee uu guddoomiyaha u ah Cabdi Maxamuud Cumar, taasoo ka dhigan in wali wax is badal ah ku dhicin nidaamkii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya marka laga reebo in uu is casilay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Wuxuu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar yahay qof Itoobiyaan ah oo sida uu hadalka u dhigay dalkiisii jooga, sidaa daraadeed meeshii uu doono uu ku noolaan karo, isaga oo yiri’’ Addis Ababa ayuu tagi karan, Jigjiga ayuu joogi karaan, waa qof ixtiraam bulshada ku dhax leh.

Madaxweynaha cusub ayaa isagu sheegay in ay diyaar u yihiin is badal ku dhaca dhaqsiyaadeedkii hore, laguna shaqeeyo mar walba awaamiirta raa’iisal wasaaraha cusub ee dalka Abiy Ahmed ee ah in leys cafiyo.