Shir ay yeelatay beesha Bagadi oo loogu hadlay aayaha Beesha.

0
231

Kulan ay yeesheen waxgaradka, aqoonyahana iyo dhalinta beesha Bagadi oo loogu hadlaayay aayaha Beeshe iyo deegaanada ay dagaan.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabiyeen Begedi Council oo ah madal ay sameeyeen waxgaradka, aqoonyahada iyo qurba joogta Bagadi ayaa waxaa kasoo baxay baxay qodobo dhowr ah waxaana ugu muhiimsana:

1. In la ilaaliyo midnimada beesha, iska warqabkana la badiyo.
2. In si hoose loola socda xaalada beesha iyo deegaanadooda ay sugan yihiin.
3. In si wada jir ah loogu qayb qaato horumarinta deegaanada ay degto beesha.

Sidoo kale waxaa iyadana laga hadlay in siyaasiyiinta beesha heer federal iyo maamul goboleedba ay ka gaabiyeen waxqabashada iyo ka hadalka dhibaatooyinka ka taagan deegaanada ay beesha degto. Waxaana la isla gartay in siyaasiyiinta beesha lagu gubaabiyo in ay codkooda iyo caqligoodaba ugu hiiliyaan dadka ay magac ahaan ku matalaan.

Kulan oo ahaa kii ugu horeeyay ay beesha yeelato oo kulmiya waxgaradka, aqoonyahanada, iyo qurbajoogta beesha ayaa wuxuu kusoo idlaaday jawi is afgaradka, iyadoo lagu soo hadal qaaday in kulamada la joogteeyo si iska warqabka iyo xaalada beesha loola socda.